GAROOWE : Puntland oo ka hadashay dil cara badan dhaliyay.

GAROOWE : Puntland oo ka hadashay dil cara badan dhaliyay.

Garoowe (Raxanreeb )- Wasaaradda amniga Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku cadeysay dil dhowaan magaalada Garoowe loogu gaystay Marxuum Axmed Saxane Cabdi oo kamid ahaa dadka deegaanka, kaas oo uu dilkiisu dhaliyay caro farabadan.

Sidoo kale, bayaanka kasoo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu sheegay in marxuumka uu ku baxay gacanta ciidamada amniga Puntland, xilli ay wadeen howlgal ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dhanka kale, Wasaaradda amniga Puntland ayaa ballan-qaaday inay dowladda bixineyso magta marxuum Axmed Saxane Cabdi iyo duugtiisa, si ay ku sheegtay bayaanka kasoo baxay Wasaaradda amniga Puntland.

Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale, qoyska uu kadhashy marxuumka ay wasaaraddu ugu codsatay in laduugo marxuumka madaama ay dowladda balan qaaday in bixineyso duugta iyo magta marxuumka.

Qoraalka Wasaardda ayaa waxaa lagu cadeeyay in howlgalka ciidan uu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac wixii qarashaad iyo daaweyn ahna ay bixineyso xukuumadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.