Gawaari sida gargaar oo ku xayiran xadka Masar iyo Marinka Qasa

Gawaari sida gargaar oo ku xayiran xadka Masar iyo Marinka Qasa

Qahira (Raxanreeb) — Masar, gawaari sida gargaar ayaa muddo saacado ah sugaya inay ka gudbaan marinka Rafax ee xuduudda Qasa iyo Masar.

Sawirro ayaa muujinaya gawaari saf dheer ku jira, kuwaas oo sida gargaar ka kala yimid Masar iyo Turkiga oo ku sugan magaalada Cariish ee ku dhaw xadka.

Maalmihii la soo dhaafay waxa la xiray Marinka Rafax kaddib markii diyaaraddaha Israa’iil ay bam gareeyeen dhinaca koontaroolka Marinka Qasa ee Rafax. Tani waxay joojisay dad kii gali lahaa ama ka bixi lahaa Qasa. Sidoo kale tani waxay macnaheedu tahay in gaadiidka gargaarka sida ay ku xayirmaan xuduudda, waxayna madaxda hay’addaha gargaarku ugu baaqeen maamulka in gargaarka loo gudbiyo dhinaca Qasa.

Xamaas, Israa’iil iyo Masar ayaa kaalin ku leh in ay go’aan ka gaaraan waxa ka gudbaya iyo waxa aan ka gudbeynin halkaasi, taaso oo macnaheedu yahay xirnaansho iyo in ay waqti qaadato mar kasta oo dib loo furayo.

Dawladdo shisheeye oo ay ku jirto UK ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda jooga Marinka Qasa in ay ku dhawaadaan Rafax, si marka loo furo ay u gudbaan.

Maanta oo Sabtiya saraakiil Maraykana ayaa sheegay in ay kala shaqeynayaan boqollaal Falastiiniyiin Maraykan ah sidii ay uga soo bixi lahaayeen Qasa, iyagoo soo maraya marinka