GAZA  : 9 Bil ka dib waxaa ka dhaqan –galaya xabad joojin.

GAZA  : 9 Bil ka dib waxaa ka dhaqan –galaya xabad joojin.

New York (Raxanreeb )- Fadhi – Golaha ammaanka uu ka yeeshay xaaladda Marinka GAZA oo ay wali ka jiraan dhibaatooyin badan ayuu ku meel mariyay xabad  joojin , ka dhaqan  gasho  halkaas.

Talabadan ayaa ka dhigan Golaha uu qaaday markii ugu horeysay ,  qaraar adag oo ka dhan ah dhinacyada mudada sagaalka bilood ku dagaalamay Gaza halkaas oo dad baday ku dhinteen.

Qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay hindise xabbad-joojinta ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo Maraykanku sheegay in Israa’iil aqbashay.

Waxay ugu baaqaya soo jeedinta ay ansixiyeen golaha ammaanka  Xamaas, oo markii hore sheegtay inay u aragtay soo jeedinta “mid wanaagsan”, inay aqbasho qorshaha saddexda waji ah. Qaraarkaasi waxa uu ku boorinayaa Israa’iil iyo Xamaas inay si buuxda u fuliyaan shuruud la’aan.

Mareykanka ayaa ku baaqay qaraar golaha amaanka uu ku taageerayo soo jeedinta Axadii, iyadoo afhayeenka howlgalka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Nate Evans uu sheegay ugu baaqayaan Xamaas inay taageeraan

Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa qaaday tilaabadii aan caadiga ahayn dhamaadkii bishii hore isagoo si cad u qeexay waxa uu ku sheegay inay yihiin tafaasiisha xabad joojintii ugu dambeysay ee Israel ay u fidisay Xamaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.