GAZA : Israa’il & Xamaas oo maxaabiis is dhaafsanaya

GAZA : Israa’il & Xamaas oo maxaabiis is dhaafsanaya

GAZA (Raxanreeb ) Ururka Xamaaz iyo Isra’iil ayaa kuheshiiyay in dagaalka lajoojiyo kudhowaad afar maalmood si lookala siideeyo lahaystayaasha labada dhinac ee Isra’iil iyo Xamaaz.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Qatar, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay laga maqlaayay Isra’ill iyo Mareykanka in uu dhowyahay heshiiska labada dhinac ee xabada joojinta.

Dhanka kale, Xamaaz ayaa sida lafilaayo waxa ay gacanta kuheysaa kudhowaad 50 Isra’iiliyiin ah halka Isra’iil ey gacanta kuheyso 150 Falastiiniyiin ah, laheystayaashan ayaa waxaa lagu soo kal qabsaday markii uu dagaalka bilowday markaas oo ay Xamaaz gudaha ugashay Isra’iil eyna soo qafaasheen 50 Isra’iiliyiin ah halka 1,200 qofna ey kudileen gudaha Isra’iil.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska R/Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegya in 50 laheystayaal ah oo isugu jiro Haween iyo Caruur lasiideyn doono iyadoo afartaas maalin uu joogsan doono dagaalka Gaza waxa uu intaas uu kudaray Netanyahu hadii 10-ka qof ee dheeraad ah lasiidaayo waxaa lagu kordhin doonaa xabad joojinta afarta maalmood iyadoo uusan soo hadal qaadin maxaabiista Falastiiniyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.