Golaha Wasiirrada oo ansaxiyay heshiisyo caalami ah

Golaha Wasiirrada oo ansaxiyay heshiisyo caalami ah

Muqdisho (Raxanreeb) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kulankoodii toddobaadlaha oo ku yeeshay xarunta Villa Somalia, ayaa ku ansaxiyay saddex heshiis oo qaarkood Bulshada Soomaaliyeed muhiim u ah.

Kulankan ayaa ahaa mid xasaasi ah, kaas oo uu shir guddoominayay ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac.

Shirkan ayaa lagu ansaxiyay inta uu socday heshiis is af-garad ah, oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dalka Ciraaq, kaas oo maanta la horgeeyay golaha Wasiirrada.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay heshiiska caalamiga ah, ee da’da ugu yar ee shaqaalaha, sida lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay shirkaasi.

“Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale golaha ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax xummada taas oo muhiim u ah, shacabka Soomaaliyeed, taasoo goluhu dood adag ka yeesheen.

Ugu danbeeyntii shirka ayaa warbixino looga dhageeystay Golaha Wasiirrada qaarkood, sidoo kalena ay Wasaaradda Gaashaandhigga ay bixisay warbixin guud oo ku saabsan howlgalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Dalka.