Djibouti (Raxanreeb) β Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta hal goob isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo maanta gaaray dalkaasi, Jabuiti wuxuuna noqonayaa kulankii 2-aad oo ay yeeshaan Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi.
Kulankan ayaa yeeshay labada madaxweyne Xasan iyo Muuse, isagooona uu goobjoog ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle, kulanka oo ahaa mid horudhac ah.
Ujeeddada kulan ayaa lagu sheegay in uu ahaa dib usoo nooleeynta wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland, kaas oo sannado badan hakad ku jiray.
Xasan Sheekh safarkiisa dalka Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinayo wafdigiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Jibriil Cabdirashiid iyo Ergeyga Gaarka ah, ee wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Dhanka kale Wafdiga Somaliland, waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ah, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha, Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Wadahadallada hadda billowday ayaa xiriirinaya mudane Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha dalka Jabuuti, oo hadda ah, guddoomiyaha Urur Goboleedka (IGAD).
Hasa yeeshee kulankan ma ahan kii ugu horreeyay iyadoo sannad ka hor Xasan iyo Muuse, ku kulmeen xaflad meher Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi Jabuuti, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.
Wixii kusoo kordha halkan kala soco.