Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Yaaqshid oo looga yeeray maxkamad markii uu bixin waayay kirada lacagta guriga uu degan yahay

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Yaaqshid oo looga yeeray maxkamad markii uu bixin waayay kirada lacagta guriga uu degan yahay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar soo-qabasho oo ka dhan ah Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Yaaqshiid, Maxamed Cabdullaahi, oo Maanta weeraray xarunta Maxkamadda.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada degmada Yaaqshid Maxamada,  ayaa ka carooday kaddib markii uu bixin waayay lacagta kirada guriga uu deggan yahay, isla markaana maxkamadda ay qabatay dacwad loo heysto oo ah arrintaasi.

Warqada soo qabashada ee kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda degmada Dharkenley Dr Maxamed Aadan Cusmaan, ayaa lagu amray taliska booliska degmada Dharkenley in soo qabtaan guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Yaqshid, isla markaana ay maxkamadda horkeenaan si sharciga loo marsiiyo.

“Eedeysane Maxamed Cabdullaahi Siyaad, ina Seynab Axmed Afrax, deggan degmada Dharkenley, kaasi oo is hortaag shaqo, aflagaado iyo handaad ku sameeyey guddoomiyaha maxkamadda degmada Dharkenley oo ku jira dhageysiga dacwo si cadna uga horyimad amarada maxkamadda”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddomiyaha maxkamadda degmada Dharkenley.

Leave a Reply

Your email address will not be published.