Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa weerar afka ku qaaday xubnaha mucaaradka dowladda, oo sheegay in ay doonayaan in nabadgalyada Muqdisho ay burburinayaan.
Muungaab, ayaa sheegay in ay jiraan dad uu ku sifeeyey in siyaasada ay ka dhex raadinayaan nabadgalyo darro ka dhacda, taasi oo aan dan u aheyn dadka caasimada oo doonaya in codkooda ay ko doortaan dadka ku matali lahaa siyaasadda.
Sidoo kale Muungaab, ayaa carabka ku dhuftay in nabadgalyada ka jirta Muqdisho alle looga mahadcelinayo, wadada kaliya ee furan ay tahay doorasho, cidii wax isku heysana ay dadkooda codka ka raadsadaan, sida uu hadalka u dhigay.
Geesta kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xamar qarax iyo dilal ka gudubtay, una gudubtay doorasho qof iyo cod ah, loona dareeri doono waqti dhow.
Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab, ayaa soo aadaya xili xubnaha mucaaradka dowadda, ay si cad u diideen doorashada qof iyo cod ee ay wado dowladda, taasi oo la qorsheeynayo in ay dhowaan ka dhacdo dalka.

Leave a Reply