Guudlaawe oo kulan la qaatay guddiga farsamada ee golaha wadatashiga Qaran

Guudlaawe oo kulan la qaatay guddiga farsamada ee golaha wadatashiga Qaran

Jowhar (Raxanreeb) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Gudiga farsamada Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) ee u qareemidda ka qeyb-galka haweenka siyaasadda dalka.

Sidoo kale, Wafdigan oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaaray magaalada Jowhar , si ay kulamo ula qaataan madaxda maamulka Hirshabelle.

Dhanka kale, Kulankaan ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ka qataan ka qeybgalka arrimaha siyaadda iyo adkeynta qoondada haweenka oo ah saamiga ah ay siyaasada ku leeyihiin.

Gudigaan ayaa ka koobnaa Hay’adaha dowladda Federaalka, Wakiilo ka kala socday dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.