HADDA | Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu gubay Koonfur Afrika.

HADDA | Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu gubay Koonfur Afrika.

Western Cape (Raxanreeb )- Wararka Raxanreeb uu ka helayo dalka Koonfue Afrika ayaa sheegaya  in halkaas lagu gubay muwaadiniin Soomaaliyeed sida ay sheegeen dadka ku nool dalkaas.

Sida ay ku warameen goobjoogayaasha waxa ay ka dhacday dhacdadan  xaafad ka tirsan gobolka Western Cape ee dalkaasi, waxaana ku dhintay wiil Soomaaliyeed.

Isla dhacdadan waxaa ku  dhaawacmeen labo kale oo Soomaali ah kuwaa soo xaaladooda ay aad u adag tahay.

Goobaha caafimaadka eed  ayaa lagu dawaynayaan muwaadiniinta xaaladda halista ah soo wajahday ee sida daran u gubtay.

Wararka ayaa sheegaya in falkan argagaxa leh ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo dabka qabad-siiyay muwaadiniintaasi, xilli ay dhex jiifeen dukaankooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda ku guulaysan in ay wax ka qabato dhibaatadaan soo noq- noqtay ee loo gaysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool koonfur Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.