HARGAYSA : Somaliland Imtaxaanka Qaranka oo la daah-furay.

HARGAYSA : Somaliland Imtaxaanka Qaranka oo la daah-furay.

Hargaysa (Raxanreeb )- Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa Hoose/dhexe

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay bilowga imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo Siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe oo maanta dalka si rasmi ah uga bilaabmay.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe waxa guud ahaan sannadkan u fadhiistay 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 Arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 Arday oo dugsiyada Hoose/dhexe ah, waxana  lagu gelayaa 129-goobood oo dalka oo dhan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.