Haweeney Sunta Libaaxa ku dishay Seygeeda oo lagu qabtay Kismaayo

Haweeney Sunta Libaaxa ku dishay Seygeeda oo lagu qabtay Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland oo howlgal ka sameeyay xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay haweeeney xalay Seygeedii ku dishay magaaladaasi, kadib markii ay u adeegsatay Sunta lagu dilo Libaaxyada.

Qoraal kasoo baxay Booliska Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneydaan oo lagu magacaabo Sahra Xuseen Maxamed ay Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar sunta ugu dartay cabitaan, kadibna ay siisay, isaga oo u geeriyooday shirqoolkaasi.

“Taliska Ciidamada Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Soo qabtay Sahra Xuseen Maxamed oo Saygeedii Cabdullahi Cabdiraxman Abuukar Xalay ku dishay Magaalada kismaayo Xaafadda Farjano Waaxda Dalxiiska” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sahra ayaa Saygeedda Sunta Libaaxa ugu dartay Cabitaan ay u Soo iibisay taas oo sababtay in uu ugeeriyoodo”

Dhanka kale Dhame Shukri Faarax Ducaale oo kamid ah saraakiisha Jubbaland oo warbaahinta u faahfaahiyay dhacdada ayaa sheegay in weli ay wadaan baaris, isla markaana haweeneyda eedeysanaha ah ay horgeyn maxkamad, si talaabo looga qaado.

Sahra Xuseen Maxamed oo sawirradooda loo soo bandhigay dadweynaha ayaa ahayd xaaska Marxuumka, waxayna u dhashay dhowr carruur ah, waxaana la sheegay inuu jiray khilaaf u dhexeeyay iyada Seygeeda, kaas oo ay ugu dambeyn ka taqalustay.

Dhacdooyinkan aragagaxa leh ayaa indhowaanahaan kusoo badanayay gudaha dalka, waxaana ugu dambeysay todobaadyo kahor oo magaalada Muqdisho ay ka dhacday dhacdo kale, kadib markii nin soo qaatay toorey uu xaaskiisa ku gowracay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.