Heegan la galiyay ciidanka Kambala si looga hortago weerar la mid ah kii 2010 ee Finalka Koobka Aduunka.

Kambala ( Raxanreeb ) Booliska dalka uganda ayaa dadka ugu baaqay iney taxadaraan waqtiga daawashada ciyaarta finalka koobka aduunka iyadoo la xasuusto weerarkii ay al-shabaab ka fuliyeennmagaalada kampala finalkii koobka aduunka ee 2010.

Masuuliyiinta goobaha cayaaraha laga daawado ayay ugu baaqeen iney booliska ku wargaliyaan dhaq dhaqaaqyada ay ka shakiyaan.

Waddooyin badan oo caasimadda Uganda ayaa caawa la dhigay ciidamo fara badan kuwaas oo ka qayb qaata ammaanka goobaha muhiinka ah ee dadka ay isugu yimaadaan.

Booliska ayaa gaaf- wareegaya xarumaha isla markaana ku jira feejignaan la xiriira sugidda ammaanka magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.