Heshiis lagu kala badeshay Bad & Aqoonsi oo dhaxmaray Abiy Ahmed & Muuse Biixi.

Heshiis lagu kala badeshay Bad & Aqoonsi oo dhaxmaray Abiy Ahmed & Muuse Biixi.

Adis Ababa ( Raxanreeb ) Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxa heshiis is afgarad ah ku kala saxiixday Ra’ iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ayaa Itoobiya u saxiixday qeyb kamid badda Soomaaliya, waxa ayna Itoobiya taa badalkeeda u ballanqaaday Somaliland in dowlad ahaan u aqoonsan doonto Somaliland.

“Is-afgaradka waxa uu u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ” ayaa lagu xusau heshiiskan dhaxmaray Aby Ahmed & Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskan waxaa uu dhaliyay caro xoogan oo loo jeedinayo Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

waxaa uu dhacayaa heshiiskan maalmo uun ka dib markii magaalada Jabuuti ay ku kulmeen Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.