Heshiiska difaaca Soomaliya & Turkey : Markab dagaal oo ku soo xirtay Dekada Muqdisho

Heshiiska difaaca Soomaliya & Turkey : Markab dagaal oo ku soo xirtay Dekada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb )- Dekadda magaalada Muqdisho  waxaa ku soo xirtay  markab nuuca dagaalka ah oo leedahay dowladda Turkiga, markabkan ayaana qeyb ka noqon doona maraakiibta dagaalka Turkiga ee ilaalin doona xeebaha Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horey u kala saxiixday heshiis ciidamada badda Turkiga ku xaqiijinayaan amniga xeebaha iyo biyaha Soomaaliya, kaddib heshiiskii carada badan abuuray ee Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Ammaanka dekadda magaalada Muqdisho ayaana maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la fasaxay shaqaalaha aan muhiimka aheyn ee dekadda ka shaqeeya , si aysan ula socon howlaha markabka iyo dhaq dhaqaaqa halkaasi maanta ka socda.

Markabkaan ayaa la sheegay in uu wado qalab lagu rakibiyo xeebaha dalka oo ilaalada amniga ka qeyb qaata, diyaarado sahan sameeyana, doomo iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlgalka Turkiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi difaac la gashay Turkiga, kaas oo lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, sidoo kale shidaal looga qodayo dalka.

Sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bilaabeysa qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga.

10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.