Gaza (Raxanreeb) — Hogaamiyaha Xamaas ayaa sheegay in la haystayaasha hadhay ee lagu qafaashay weeraradii lagu hoobtay ee ka dhacay koonfurta Israa’iil 7-dii October kaliya lagu sii dayn doono shuruudo ay kooxda lafteedu dejisay.
Ismaciil Xaniyeh oo khudbad ka jeedinayay taleefishinka ayaa sheegay in Xamaas ay mawqifkeeda gaarsiisay Qatar iyo Masar oo ah dhexdhexaadiyayaasha khilaafka – kaas oo salka ku haya “in gabi ahaanba la joojiyo gardarrada” ka dhanka ah Falastiiniyiinta.
Bishii la soo dhaafay, Xamaas waxay meesha ka saartay in la sii daayo la haystayaal kale ilaa dagaalku ka dhammaanayo. Israa’iil ayaa marar badan diiday xabad joojin joogta ah, waxayna wacad ku martay in ay burburin doonto Xamaas.
Qiyaastii 240 qof ayaa maxbuus ahaan loo kaxaystay Qasa 7dii Oktoobar, laakiin 105 ayaa markii dambe Xamaas sii daysay intii lagu jiray xabbad joojin lix maalmood ah dhammaadkii Nofembar.
Hadalkan ayaa imaanaya wax yar uun ka hor inta aan qarax lagu dilin hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas kaas oo ku dhintay qarax ka dhacay xafiiska ay kooxdu ku leedahay magaalada Beirut ee dalka Lubnaa.
Milateriga Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka hadli doonin wararka ay qorayaan warbaahinta shisheeye.
Bbc/Raxanreeb