Hoggaamiyii Daacish-ta Soomaaliya miyaa la dilay ? Xog & Xuuraansi.

Hoggaamiyii Daacish-ta Soomaaliya miyaa la dilay ? Xog & Xuuraansi.

Garowe (Raxanreb )- Duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii May ayaa la beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya Kooxda Daacish ee Soomaaliya, balse ma cadda in hoggaamiyahaasi lagu dilay duqayntaas, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

Cabdulqaadir Muumin ayay Mareykanku u aqoonsadeen inuu yahay madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, oo xiriir la leh kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyay in 31-kii May ay duqeyn cirka ka fuliyeen gobolka Bari duqeyntaasi oo lagu dilay Saddex Maleeshiyaad ah oo gacan saar la leh Kooxda Daacish. War saxaafadeedka laguma sheegin xog dhab ah oo ku saabsan cidda sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday duqeynta.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa ABC News u xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sareya kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ay xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada (NCTC) ku sheegtay Muumin.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in Muumin lagu dilay duqeynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.