Injineer ka tirsan shirkadda Hormuud oo qarax lala eegtay

Injineer ka tirsan shirkadda Hormuud oo qarax lala eegtay

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay gaari uu lahaa Injineer ka tirsan Shirkadda Hormuud.

Injineerka ayaa ka badbaaday qaraxan sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugnaa halkaasi, gaariga oo qarxay inta uusan korin Injineerkani.

Qaraxa ayaa ka dhacay Daaru-salaam, kaas oo looga xiray gaari raaxo ah, uu lahaa Injineer ka tirsan Hormuud, isagoo yaalla gurigiisa bannaankiisa.

Ma jirto wax khasaaro ah, oo laga soo weriyay keliya burburka gaariga ku kooban ma ahee ma jirto khasaare nafeed.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu yahay kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii November, 2023.

Shalay ayaa booyad shidaal sidan oo kale qarax lala eegtay Waxarcadde, bar-koontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda Federaalka.

Qaraxyadii ugu horreeyay ee lagu weeraray laba xarumood oo ku kala yaalla deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, duleedka magaalada Muqdisho, iyo Xero Jarmal.

Qaraxyadan ee lagu beegsanaayo xarumaha shirkadda iyo gawaarida Hormuud, ayaa bilahan ku badan caasimadda Muqdisho.

Xarumo badan ayaa la bur-buriyay tan iyo bishii November, mana jirto wax war ah, oo kasoo baxay maamulka shirkadda oo ku saabsan beegsigaan, sidoo kalena Dowladda Federaalka.

Lama oga sababta rasmiga ah, ee loo beegsanayo xarumaha shirkadda Hormuud, iyo gawaarida shaqaalaha, sidoo kalena aysan ka hadal laamaha amniga kooxda Al-Shabaab, iyo isla shirkadda Hormuud.

Weeraradaan, ayaa ku dhimatay labo ka tirsan shaqaalaha Hormuud, iyo 5 kalena ku dhaawacantay qaarkood dhaawacoodu liito, inta uu billowday weerarada ka dhanka ah, Hormuud.