Isra’iil oo faahfaahisay weerarkii ay Iran ku qaaday hanjabaad cusubna hawada umarisay.

Isra’iil oo faahfaahisay weerarkii ay Iran ku qaaday hanjabaad cusubna hawada umarisay.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Milatariga Israa’iil ayaa shaaciyay in weerarkii dhinaca cirka ahaa ee ku qaadeen dalka Iran uu ahaa qeyb kamid ah jawaab celinta weerarkii ay Iran horey ugu qaaday Israa’iil, waxa ayna ku hanjabeen in ay qaadi doonaan weeraro kale oo kuwii saakay kasii daran.

Sidoo kale, afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari, ayaa xaqiijiyay in duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ay ku hayso Iran la soo gabagabeeyay, waxa uuna xusay intii ay duqeymaha socdeen in ay beegsadeen bartilmaameedyo milatari oo kuyaalla gudaha Iran. 

“Waxaan saakay qaadnay weeraro toos ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo militari oo gudaha Iran ah – waxaanan ka hortagnay hanjabaado degdeg ah oo ku wajahan dowladda iyo shacabka Israa’iil,” ayuu yiri Daniel Hagari,.

Dhanka kale, afhayeenka milatariga Israa’iil, ayaa uga digay dowladda Iran in Israa’iil ay diyaar u tahay inay duqeyso bartilmaameedyo kale oo dalkaasi ah haddii loo baahdo, waxa uuna xusay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo usoo hanjabta ama soo weerarta.

“Waan ogaan doonaa sida loo doorto bartilmaameedyo dheeri ah… oo aan garaacno haddii loo baahdo. Tani waa fariin cad, qof kasta oo u hanjabaya Israa’iil, wuxuu a kulmi doonaa ciqaab culus oo dhankeena uga timaada ” ayuu yiri afhayeenka milatariga Israa’iil.

Iran ayaan wali shaacin khasaaraha kasoo gaaray weerarkii saakay aroor hore Israa’iil ka fulisay bartilmaameedyo kuyaalla Iran, waxaana la sheegay in diyaarado aad u badan duqeeyeen xarumo milatari oo kuyaalla gudaha Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.