Jabuuti ‘’ Ha is dejiyaan walaalaha Somaliland ‘’.

Jabuuti ‘’ Ha is dejiyaan walaalaha Somaliland ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )- Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa waraysi uu siiyay VOA-da ku sheegay inaysan jirin wax ay kala socdeen qorshaha Madaxweyne Biixi uu ku saxiixay heshiiskii uu la galay Itoobiya , isagoo markaa caddeeyay inay Somaliland iyadu u madax bannaantahay go’aamadeeda, wuxuuna intaa ku daray  ;

 “ Waxaan ku kari waynay Madaxweyne quraaco oo subixii bax, ha dhow ayaan maqalnay heshiiska… Jabuuti mowqifkeeda wuu cadyahay midnimada Soomaaliya waa mid , siyaasadda marka ay joogtana ma wanaagsana khaa’in-nimada, waliba marka ay tahay walaalka,mowqifkiisa isaga leh oo Madaxweyne Geelle kuma uu joonin karin, waxay ahayd inuu u sheego , mana qurux badnayn,balse dadka Somaliland waa dad aan walaal nahay oo xiriir wanaagsan aan la leenahay , canaantaas way u taalla Muuse Biixi, sida uu walaalkii u calaal xaaran lahaana isagay mas’uuliyadaa saaran tahay.”

Dhinaca kale , VOA-da ayaa waydiisay sida uu hadalkan u arko wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Dr. Isse Keyd Maxamuud , wuxuu sheegay inan marna loo qaadan karin wax si kadis ah ku dhacay heshiiska Addis Ababa, inuu muddo afar bilood ka hor xilliga shirka Jabuuti soo socday ayuu sheegay, isagoo markaa caddeeyay inaysan jirin wax natiijo ah oo uu lahaa shirka Jabuuti ee ay isku arkeen Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Biixi.

 Mar la waydiiyay halka uu marayo heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland , wuxuu sheegay inuu marxalad wanaagsan ku jiro.

Sidoo kale, waxaan la xiriirnay wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Dr. Isse Keyd Maxamuud oo ku sugan Maraykanka si uu uga jawaabo hadalka wasiirka maaliyadda Djibouti.

Leave a Reply

Your email address will not be published.