KENYA oo dhexdhexaadin ka samaynaysa Koonfurta Suudaan.

KENYA oo dhexdhexaadin ka samaynaysa Koonfurta Suudaan.

Nairobi (Raxanreeb )- Kenya ayaa dhexdhexaadin ka dhex samayn doonta dowladda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha ka soo horjeeda maalmaha soo socda, sida uu sheegay sarkaal.

Gen. Lazaro Sumbeiywo, oo ah sarkaalka shaqada ka fadhiistay ee Kenya ee uu madaxweyne William Ruto u magacaabay inuu kormeero wadahadallada u dhexeeya dowladda Koonfurta Suudaan iyo kooxaha hubaysan iyo kuwa aan hubaysnayn ayaa muujiyay billow wanaagsan oo geeddi-socodka nabadda.

“Wadahadalkii aan la yeelanay Mudane Madaxweyne Salva Kiir waxa ay ahaayeen kuwo miro dhal ah, maalmaha soo socdana, waxaa laga yaabaa in dhexdhexaadintu bilaabato. Tani waa fariin wanaagsan oo ku socota dadka Koonfurta Suudaan, gobolka, iyo adduunka oo dhan, sababtoo ah dalkan dhib badan ayaa soo maray, waana inuu bilaabo oo uu bixiyaa dadaalkiisa si uu u horumariyo hay’addiisa si kor loogu qaado dowladnimada iyo dhismaha qaranka “, ayuu yiri.

Sumbeiywo waxa uu sheegay in Madaxweyne Kiir uu muujiyay sida ay uga go’an tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafaadka siyaasadeed, isaga oo sabab uga dhigay in uu u ololeeyo in la dejiyo oo la dhexdhexaadiyo.

Bishii December ee sannadkii hore, Madaxweyne Kiir, oo u sii maraya Wasiirka Madaxtooyadda Bangasi Joseph Bakasoro, ayaa ka codsaday Madaxweynaha Kenya inuu dhexdhexaadiyo Dowladda iyo kuwa aan saxiixin Heshiiskii Nabadda ee September 2018-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.