Nairobi (Raxanreeb) — Ciidamada amnigaee dowladda Kenya, ayaa shalay Sabtidii soo qabtay sarkaal kamid ah, ciidamada dalkaasi kaasi oo looga shakiyay inuu gacan saar la leeyahay malleeshiyada Al-Shabaab, ee ka dagaalanta Soomaaliya, iyo dalka Kenya.
Sarkaalkan xabsi loo taxaabay ayaa ka howl gali jiray deegaanka Likono, ee ismaamulka Mombasa, Kenya, wuxuuna Kenya u qaabilsanaa qorista ciidamada cusub ee ku biiriya Boolisa dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa ninkan laga shakiyay, kadibna ay soo xireen ciidamada sida gaarka ula dagaallama argagixisada.
Warbixinnada ninkan ayaa muujinaya in dabagal xooggan lagu haayay uuna jiro shakki xoogleh in uu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab, uuna qorayay dhallinyaro cusub isagoona wata shaqadiisa Booliska.
Dhanka kale waxaa billaabatay im maxkamadeeyo sarkaal looga shakisan yahay in uu qeeyb ka yahay kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale horey sarkaal ayaa loo soo xiray eedeeyn tan oo kale ah, inuu ku lug leeyahay kooxda Al-Shabaab, islamaaska dib loo daayay isagoo uu iska baryeelay ku lug lahaanshaha.
Al-Shabaab, ayaa Kenya ka fulisa weeraro kala duwan qaraxyo iyo mid ku dhufo ka dhaqaaq ah.
Kenya ayaa inta badan awoodda saarta inay la dagaallanto kooxda Al-Shabaab, si ay u yareeyao khataraha kaga imaan kara kooxda.