WARCUSUB : Kooxda AS oo weerar toos ah ka gaystay gudaha Baydhabo

WARCUSUB : Kooxda AS oo weerar toos ah ka gaystay gudaha Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb ) Kooxda Al-Shabaab ayaa weeerar ayaa weerar toos ah waxay ka fulisay  xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo ee gobolka Baay sida ay ku warameen dadka deegaanka.

Weerarka oo lagu eekeeyay fariisin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin waqooyiga magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Isbitaalka  magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa la dhigay tiro dhaawacya ah oo isugu jira ciidanka maamulka iyo dad rayid ah kuwaas oo ku waxyeeloobay weerarka ka dhacay magaalada Baydhabo.

Dadka ku sugan magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay  in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha maamulka  koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaalkaas saacadaha qaatay ay soo afjareen isla markaana ay dileen sida ay hadalka u dhigeen xubno ka mid ahaa kooxda Al- Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ciidanka  maamulka  koonfur Galbeed ayaa xaafadaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxa ay ka wadaan howlgalo ay ku doonayaan in ay ku sugaan ammaanka magaalada oo marar badan dagaalo ay ka dhaceen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lgau dagaalamay ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaalada Baydhaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.