Khilaafka DF & Puntland oo horseeday Shir kale oo ka dhacaya Garoowe.

Khilaafka  DF  & Puntland oo horseeday Shir kale oo ka dhacaya Garoowe.

Muqdisho (Raxanreeb ) xogaha laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa ku waramaya in halkaas lagu qaban doono shir ay ka qayb galayaan dhamaan madaxda maamul goboleedyada.

Shirkan sida RBC ay helayso ay sheegayaan waxaa lagu gorfayn doonaa khilaafka Dowladda Dhexe iyo maamul- goboleedyada qaar sida Puntland oo weli qabta tabashooyin – badan.

waxa sidoo kale lagu soo hadal qaadi doonaa sida wararka aan helayno ay sheegayaan sidii laga yeeli lahaa geedi socodka Dowladnimada Soomaaliya.

Howlaha horyaalla afarta sanno ee soo socoto Dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayay maamul goboleedyadu ay ka hadli doonaan marka ay isugu imaan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka oo maalmo ka hor booqday magaalada Garoowe oo natiijo la’aan dib ugu soo laabtay ayaa la sheegayaa in shirkan uu kaga faa’idaysan doono in xiriir wanaagsan uu la yeesho madaxda qaar ee maamul- goboleedyada.

Inkastoo si rasmi ah loo shaacin waqtiga shirkan u dhacayo ayaa hadana lagu soo hadal qaaday wada hadaladii Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Garoowe ee Puntland.

Maamul – goboleeedka Puntland iyo Dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo kala dhaxgalay khilaaf ka dhashay , dhismaha Xukuumadda Federaalka iyo magacaabistii Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.

MW Xasan ayaa fahansan in ay adag tahay wada-shaqeynta isaga iyo Deni, ayaa xilka Ra’iisl Wasaaraha u magacaabay Xamse Cabdi Barre taas oo keentay shirarkii maalmaha qaatay ee ka socday Garoowe.

In kastoo lagu madlan yahay in shir maamul- goboleedyada uu ka dhaco magaalada Garoowe ayaa hadana waxaa sii socda khilaafka madaxda Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.