Khudbad sidee ah ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya ka jeedin doono shirka Q.M ?

New York (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono meertada 77-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo sanadkiiba mar la qabto.

Kulanka ayaa sanadkan looga arrinsan doono yareynta saboolnimada iyo xasillooni-darrada, guud ahaan caalamka , waxaana madaxda ka qayb galaysa ka mid ah Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee la xiriirta la-dagaallanka saboolnimada iyo argagixisada ” sidaas waxaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbada ka jeedin doono Golaha waxaana diirada uu saari doono arrimio ay ka mid yihiin howlgalada ciidanka Dowladda ay ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha laga gaaray intii ay socdaan.

Waxaa sidoo kale Madaxwaynaha diirada khudbadiisa ku soo – hadal qaadi doonaa aabaaraha ka jira ka jira dalka iyo sida ay tahay in loogu gurmado dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay haysta xilligan labo arrin oo ay ka mid yihiin abaaraha iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, oo Madaxwaynaha khubadiisa ku soo hadal qaadi doono.

Safarkaan ayaa noqonaya midkii 10-aad ee Madweynuhu uga baxo dalka tan iyo markii dib loogu doortay Madaxweynaha Soomaaliya 15 May 2022

Leave a Reply

Your email address will not be published.