Kulan gaar ah oo dhexmaray Xasan Sheekh, Aaden, Madoobe Xamse iyo Laftagareen.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Xasan Sheekh, Aaden, Madoobe Xamse iyo Laftagareen.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in xalay kulan albaabada uxiranyahay uu ka dhacay Villa Somalia, kaas oo u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, Xamse Cabdi Barre, Aaden Madoobe & Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan looga hadlaayay khilaafka ka dhexeeyo Villa Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, wax war ah kama soo bixin kulankaasi oo ay albaabada uxirnaayeen.

Ujeedka kulankan ayaa larumeysanyahay in uu ahaa in lagu dhex-dhexaadiyo khilaafka ka dhexeeyo Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed.

Sikastaba, kulankan ayaa imaanaya xili uu khilaaf xooggan ka dhexeeyo villa Somalia iyo Koonfur Galbeed, iyadoo horey ay u fashilmeen dedaalo lagu doonaayay in lagu xaliyo khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.