Kulan hordhac ah oo ku saabsan qorsheyaasha maamulka Khaatumo hortebinta uleh oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Laascaanood (Raxanreeb online) – Wasaaradda Qorshaynta Maamulka SSC-Khaatumo ayaa qabatay kulan ay iskugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maamulka SSC-Khaatumo kulan kaas oo ahaa mid hor dhac u ah dejinta qorshayaasha maamul SSC-Khaatumo ee lagaga qayb qaadanayo qorshaha heer qaran ( National Transformation Plan).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mudane Cismaan Aadan Xuseen oo shirka guddoominayay ayaa faahfaahin kabixiyay muhiimadda ay leedahay kaqayb galka qorshaha qaran ( NTP)isaga oo sheegay in aay tahay markii ugu horreysa ee maamulka SSC-Khaatumo ka mid noqodo qorshaha qaranka Soomaaliya .

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa dhammaantood soo jeediyay qorshayaasha wasaaradahooda Shanta sannadood ee Soo socoda iyaga oo mudnaanta siinaya waxyaabaha hortabinta u leh Maamulka SSC-Khaatumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.