Muqdisho (Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga caasimadda.
Shirka oo ka dhacay Taliska Qaybta Guud ayaa warbixinno looga dhageystay Taliyaha Qaybta Guud, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, iyo saraakiisha kale, oo ka warbixiyay howlaha socda ee la xiriira: ka hortagga argagixisada, xoojinta amniga caasimadda, kor u qaadidda wada shaqeynta laamaha amniga, adkeynta amniga xabsiyada, iyo ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.
Taliyaha ayaa saraakiisha ku bogaadiyey dadaalkooda, wuxuuna faray in la dardargeliyo howlgalada lagu sugayo amniga caasimadda, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta guud ee laamaha amniga.

Leave a Reply