XOG | Kulanka Barlamaanka Beri oo la baajiyay & mooshin ku socda RW Xamse.

XOG | Kulanka Barlamaanka Beri oo la baajiyay & mooshin ku socda RW Xamse.

Muqdisho ( Raxanreeb )- Dib ayaa loo dhigay kulan baarlamaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya maalinta berri lagu waday in ay yeeshaan.

Xog la helay ayaa sheegaya in baajinta ay salka ku haysa guux siyaasadeed oo xooggan Waxaa jiro mooshin xooggan oo ay Gadaal ka taaganyihiin rag waa weyn oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka .

Magaalada Muqdisho Hadda waxaa hotel oo ku yaal ka socdo kulamo gaar gaar ah , oo ay leeyihiin Xildhibaanada mucaaradsan xukuumadda RW Xamsa ,

ma jiro xildhibaan ama xildhibaano Xukuumadda ka difaacayo oo kulamo qabsan karo ama isku imaan karo , waxaana sabab u ah Golaha wasiirada oo aan difaaci karin xukuumadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.