Laftagareen & saraakiil  Itoobiyaan oo ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Laftagareen & saraakiil  Itoobiyaan oo ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Baydhabo (Raxanreeb )- Madaxweyne Laftagareen Iyo Saraakiisha Ethiopia Ee Howgalka Atmis Oo Kulan Yeeshay.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga Hadlayey Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed la qaatay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka ATMIS, Gaar Ahaan saraakiisha saldhigoodu yahay Magaalada Baydhabo.

kulankan ayaa kusoo aadaya waqti hadal heyn badan ay ka dhalatay joogitaanka Ethiopia.

Koonfurgalbeed Iyo Jubbaland ayaa horay gaashaanka u daruur in Ciidanka Ethiopia ay ka Baxaan deegaannada KGS Iyo Jubbaland.

Ciidanka Ethiopia Ee kamidka ah howlgalka Atmis Waxay saldhigyo kala Duwan ku leeyihiin inta badan degmooyinka KGS.

La-taliyaha Amniga Qaranka Ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo xalay wareysi siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Ethiopia aysan ka qeyb noqon doonin howlgalka cusub Ee la Rajeynayo in Lagu dhawaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.