Lix Bilood Kadib Israel oo Ku Hungowday Soo Afjaridda Xamaas 

Lix Bilood Kadib Israel oo Ku Hungowday Soo Afjaridda Xamaas 

Gaza (Raxanreeb )- Magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa waxaa wali ka socda dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas waxaana laga joogaa Lix bilood marki uu billowday dagaalka ay Israil ku qaadday Gaza, ee u dhaxeeya ciidankeeda iyo dagaalyahannada Xamaas.

Dagaalkan oo noqday mid ka mid ah kuwi ugu burburka badnaa ee qarnigan 21-aad ka dhaca dunida, ayaa billowday wax yar kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Israil, todobadi bishi October ee sannadki hore.

Ciidamada Isra’il ayaa dhulka, cirka iyo baddaba ka weeraray magaaladaan oo horayba u go’doonsaneyd ee Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan iyo badh Falastiiniyiin ah, Inta badan dadkii ayaa hadda isugu tagay degmada Rafax ee cirifka koofureed ee Marinka Gaza, gaar ahaan xadka Gaza iyo Masar oo ay miciin bideen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka Gaza ay galeen xaalad macluul ah, kaddib marki ay Israil is hortaagtay in Gaza ay soo galaan sahayda gargaarka bani’aadannimo, shidaal iyo dawo, taas oo keentay in dad u badan carruur ay nafaqa darro, cudurro iyo gaajo u dhintaan.

Dhanka kale, Xamaas ayaa sii wadda madaafiicda ay ku garaaceyso Israil kuwaas oo ay ka ganayaan Gaza, waxaa iyana sidaasi si la mid ah gantaallo u ridaya dhanka Israil Xisballah iyo ururada kale ee Islaamiga ah ee hubeysan ee mandiqadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.