Maalintii 10aad oo Muqdisho uu ku afduuban yahay Weriye Bulbul

Maalintii 10aad oo Muqdisho uu ku afduuban yahay Weriye Bulbul

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta waa maalinkii 10aad ee uu Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate – SJS mudane Mohamed Ibrahim Bulbul ku jiro xarig sharci darro ah.

Saaka waxaa loo ballansanaa in Bulbul la horkeeno Maxkamadda Gobolka Banaadir, hase yeeshee saraakiisha CID ayaa keeni waayeen iyagoo ku andacooday inaysan weli sameynin baaritaan.

Sidaas ayayna maxkamaddii ku baaqatay saaka. Qoyska iyo qareennada ayaa dhanka kale la hortaagan yahay inay arkaan Bulbul halka lagu hayo.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxay ku celinaysaa baaqeedii hore ee ahaa in deg deg loo siidaayo Mohamed Ibrahim Bulbul, lana joojiyo caburinta illaa hadda lagu hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.