Maamul la’aan ka jirta waddooyinka Muqdisho + sababta

Maamul la’aan ka jirta waddooyinka Muqdisho + sababta

Muqdisho (Raxanreeb )- Waddooyin dhawr ah oo magaalada Muqdisho ah waxa ka jira mashquul xoogan oo ilaa iyo hadda loo taag la’yahay in wax ay ka qabato dowladda Hoose ee Xamar.

Gadiidka faraha badan iyo bajaajta lagu daray waddooyinka oo aan joogin inta badan ciidanka ilaalada waddooyinka ayaa sabab u noqday in cariiri badan uu ka jiro isgoysyada caasimadda.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa ku sheegaya in dhibaato badan ay ku qabaan in waqtiyada galabtii ama subaxii hore u jiro , cariiri badan isla markaana ciidanka ilaalada waddooyinka ay iska baxeen xilli hore.

Intaas waxaa sii dheer in magaalada ay ka jiraan shilal badan oo gadiid ah taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dad badan sabab la xiriirta maamul xumada waddooyinka ka jirta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maalin ka hor soo saaray go’aan ah in maalinkii gadiidka xamuulka uusan socon karin inkastoo aanay jirin wax ka dhaqan galay.

Shacabka ayaa codsanaya in wax laga qabto dhibaatada ka jirta waddooyinka halbowlayaasha u ah caasimadda dalka ee Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.