Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wado in uu maanta hortago Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad ka horjeediyo kulan ay isugu yimaadeen laba Aqal Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare, taas  oo qabanqaabadeeda ay ka socota xarunta Villa Hargeysa.

Xildhibaannada laba Aqal ayaa ku sugan xarunta Villa Hargeysa oo ah xarunta Golaha Shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lafilayaa in uu khudbaddiisa kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladaha kula jirta Al-Shabaab.

Soo dhaweynta Madaxweyne Geelle ayaa laga dareemayaa Caasimadda Dalka, isaga oo hadda ku sugan xarunta Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliyeed (AGA)  ee lagu xoojinayo Afka Soomaaliga oo labada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Geelle ay si wadajir ah u dhagax-dhigeen 21kii Febaraayo 2015 ayna maanta u joogaan xarig jarkeeda.

Dhammaan Waddooyinka waaweyn ayaa xiran, Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo waddooyinka Caasimadda lagu arkaya Ciidanka kala duwan oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.