Qaahira (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Masaar ayaa sheegay iney jiraan dalal dhaqan ka dhigtay iney si joogto ah u abuuraan maleeshiyaad hubeysan. Kuwaasoo ujeedadoodu ay tahay iney burburiyaan oo ay kala qaybiyaan dalalka gobolka.
Cabdifatax Al-sisi oo digniin adag udirey dalalka falalkaasi dhaqanka ka dhigtay ayaa sheegay in hada kaddib aan laga aqbali doonin iney dalalka gobolka ka abuuraan maleeshiyaad iyo hay’addo sharci daro ah oo ka baxsan hay’adaha sharciga ah ee dowlada iyo Ciidamada milatariga ee dalalka gobolka.
Wuxuuna Madaxweynaha Masar hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Maleeshiyaadku idima difaaci doonaan.”ayuu yiri madaxweyne Al sisi.
Hadalka Sisi ayaa yimid xili warbixin dhawaan la shaaciyay ay muujisey in Sirdoonka Masar ay ahaayeen kuwii Sucuudiga ku wargaliyay dhaqdhaqaaqyadii uu Imaaraadku ka waday Koonfurta Yemen, taasoo Riyadh ku qaaday iney markii ugu horeysay ay Abu Dhabi gaadhsiiso fariin digniin iyo hanjabaad toos ah.
Waxaana taasi ay keentay Sucuudigu si toosa u bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii uu hogaaminayay Caydaruus Al Zubaydi ee doonayay iney awood ku muquuniyaan dowlada la aqoonsan yahay ee Dalka Yemen, waxayna taasi aakhirkii sababtay in Caydaruus uu ka cararo Yemen una baxsado Dalka Imaaraatka.

Leave a Reply