Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaannada mucaaradka ah oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaannada mucaaradka ah oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb Online) – Xildhibaannada Beelaha Hawiye ee ku matala Baarlamaanka labada Aqal ayaa xalay shir ku yeeshay Guriga Madaxweynihii Hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, shirkan waxaa looga hadlay xaalada dalka iyo dhibaatada heysata Shacabka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Dhanka kale, Xildhibaannada ay si weyn uga hadleen culeyska ay wajahayaan ganacsatada, gaar ahaan dhinaca dowladda iyo sidoo kale kuwa uga imaanaya dhanka Al-shabaab oo bilaabay burburin iyo hanjabaad ay ku hayaan ganacsigooda.

Shirkan ayaa imaanaya xili uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay dowladda iyo ganacsatada, kaddib markii ay dowladda ganacstada kusoo rogtay lacago canshuur ah oo ka duwan kuwii horey ay ubixin jireen ganacsatada Soomaaliyeed, oo sheegay in ay wajahayaan culeysyo farabadan oo kaga imaanaya dhinaca dowladda & dhanka kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, kulan yaa kusoo beegmaya xili afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere uu xalay sheegay in ganacsatada iyo shacabka ay sida ugu dhaqsiyaha badan lacagaha ugu jira Bangiyada iyo Evc-Plus, kala baxaan muddo toddobo maalin ah, cidii kala bixi weysana ay arki doonaan wax aysan fileyneenin.

Ugudambeyn, Falanqeyn dheer kaddib Xildhibaannada ayaa isku raacay in la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Ganacsatada, loona istaago sidii wax looga qaban lahaa culeysyada jira sida ay sheegayaan ilo ku dhow kulankaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.