Madaxweyne Kenya oo ku dhawaaqay talaabo farxad gelisay shacabka Kenya

Mandheera ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo booqasho rasmi ah ku maraaya Gobolka Waqooyi Bari ee Somalida ayaa Magaalada Mandera kaga dhawaaqay tallaabo farxad galisay Shacabka ku dhaqan Ismaamulka Mandera.

“Waa wax aan la aqbali karin in walaalaheenna reer Kenya ee ku nool Mandera ay ka go’naadaan ehelkooda iyo deriskooda ku sugan Soomaaliya sababo la xiriira xirnaanshaha muddada dheer ee Xuduudka Mandera. sidaas awgeed, waxaan dib u furi doonnaa xuduudka bisha Abriil, si loo soo celiyo isu socodka loona xoojiyo ganacsiga xuduudaha isaga gudba, taas oo dan u ah barwaaqada wadajirka ah ee dadkeenna” ayuu yiri Ruto.

Sidoo kale madaxweynha Kenya ayaa sheegay in wax laga qaban doono korontada xumada ka jirta gobolka, muddo gaaban gudaheed waxa uuna tilmaamay inuu rakibi doonno matoor koronto oo awooddiisu tahay 3 megawatt si loo xasiliyo bixinta korontada, “annagoo isla markaasna dardargelinayna qorshe Mandera loogusoo xiraayo korontada Itoobiya si loo helo xal waara” ayuu yiri.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Ismaamulka Mandheera, ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray madaxweyne Ruto, ay ka rajeynayaan in dhaqan galo, isla markaana uusan noqon ballanqaadyadii kala duwan ee booqashooyinkii hore ee uu ku yimid gobolka aysan intooda badan la fulin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.