Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay mucaaradka ku shirsan magaalada Kismaayo in ay la yimaadaan wax uu ku tilaamay “wax la fahmi karo”, isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay tanaasul.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sannad guuradii 82-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ka dhacday Muqdisho, ayaa sheegay in mucaaradka si xor ah ugu shiri jireen hoteel Jaziira, balse waxa uu intaas ku daray in uuasan garaneynin caqliga hoteel Jasiira soo degi waayay ee marka Kismaayo la tago soo dagaya.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa hoosta ka xariiqay in qofkasta uu si xor ah u hadli karo, balse maalintii qori soo qataan in gacanta laga qaban doono, si aysan dhibaato ugu geysan.
“walaalaha Kismaayo waxaan leeyahay haddaa isku timaadeen tashada ra’yi la imaada, lama aadi karo Kismaayo oo diyaaradaha ka xira ma lihin, laakiin wax la fahmi karo oo umadda Soomaaliyeed fahmi karto la imaada, tanaasul ayaan diyaar u nahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa ku soo adaaya xili maalintii saddexaad magaalada Kismaayo uu shir xasaasi ah uga soconayo xubnaha mucaaradka ee dowladda, kaasi oo la filayo in gelinka dambe ee maanta ay soo gabe-gabeeyaan, isla markaana ay soo saraan war-murtiyeed ay uga hadlayaan qodobada ay ku heshiyeen.

Leave a Reply