Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre oo shir albaabada uxirnaayeen ku yeeshay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre oo shir albaabada uxirnaayeen ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Warar  ayaa sheegaya in xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, Kulanka labada masuul oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa wararku sheegayaan in looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxa ayna labada masuul is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaalada dalka ku sugan yahay hadda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka jira.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana la wadaagay Ra’isul Wasaare Kheyre xogo la xariira qorshayaal dowladda ku dooneysyo in la qabto doorashada dowlad goboleedyada dalka qaarkood, iyo sidii la isaga difaaci lahaa gardarada dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh xasuuiyay in muddo xileedka madaxda maamul goboleedyad qaar uu dhammaaday, waxa kale uu u sheegay in mudaada hadda u hartay Madaxweynaha ay yar tahay ayna suurto gal aheyn in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

Waxa kale u sheegay in diyaar u yihiin isaga iyo mucaaradka kale in dowladda fursad la siiyo muddada u hartay, waxa uuna uga digay Madaxweynaha in uu isku dayo in uu sameesto muddo kordhin lamid ah tii Madaxweyne hore Farmaajo ku fashilay.

Ugudambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare hore Kheyre ayaana ku ballaamay in ay isugu yimaadaan wadahadllo kale ay isaga xog wareesanayaan xaalada siyaasaeed ee dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabado badan oo hadda taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.