Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhalliil kulul u jeediyay mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhalliil kulul u jeediyay mucaaradka

Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hidisaha doorashooyin qof iyo cod ah, wax-ka-bedddelka Dastuurka iyo wadahalladii u dhaxeeyay dawladda iyo mucaaradka.

Xasan Sheekh ayaa ku dhalliilay xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samata-bixinta in ay iyagu lahaayeen sababta keentay in isfahan la gaadhi waayo.

“Waar maxaad diiddan tihiin dastuurka waa badan yahay e’. Waxa la yidhi cutub la yidhaahdo afraad oo ka mid ah afartii cutub ee dib loo eegay, ha la celiyo. Cutubkii afraad ee ku jiray 2012, haddii uu na anfacayo mid kalaba lama sameeyeen. Na ma anfacayo. Cutubka afraad qaata kan aad rabtaan soo qora oo aan ka wada hadalno”, ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in Saddexdii shir ee ugu horreeyay waxba ay keeni waayeen, kii afraad ayay qodobbo keeneen. Waxa uu tilmaamay in uu mucaaradka u sheegay in uu ogalyahay in baarlamaanka lagu celiyo Cutubka 4-aad, balse ay dhankooda u ogaladaaan wixii uu ka hadlay, hayeeshe ay ka diideen.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn in maalin walba wadaxaajood la wadi karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.