Madaxweynihii hore ee dalka oo ka digay in ay halis keeni karto in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee dalka oo ka digay in ay halis keeni karto in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga digay qorsho uu tilmaamay in ay wado dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ah in ay dooneyso inay xirto xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ( UNSOM) ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in arrintan ay khatar gelin karto hannaanka doorashada dalka, isla markaana sii kordhin karta kala qeybsanaa hor leh, taasina ay god ku rideyso rajadii ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Shariif oo warbaahinta Muqdisho ugu qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in haddii la yareeyo doorka iyo kormeerka beesha caalamka ay keeni karto, in doorashooyinka la musuq-maasuqo, loo weeciyo qaabka ay dooneyso dowladda hadda xukunka heysa.

“Iska fogeynta bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah, waxay dhaawici kartaa kalsoonida shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ay Soomaalidu hiigsanayaan,” ayuu yiri  Sharif  Sheekh Axmed.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu baaqay in dowladda ay ilaaliso wada-shaqeynta ay la lee dahay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee Caalamiga ah, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah.

Sikastaba, dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa weli ka jawaabin eedeeymaha kasoo yeeray madaxweynihii horee ee dowladdii KMG aheyd Shariif  Sheekh Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.