Muqdisho (Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho waxaa goordhow soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kadib safar dibadda ah oo uu ku maqnaa maalmahan.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maanta la filayo inuu kulamo gaar ah la yeesho Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimadda Muqdisho.
Kulamadan ayaa imanaya xilli uu jiro xiisad siyaasadeed iyo wada-hadallo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda dalka, khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo arrimaha doorashooyinka.

Leave a Reply