Mareykanka oo ku dhawaaqay War ka farxiyay dowladda Soomaaliya

Mareykanka oo ku dhawaaqay War ka farxiyay dowladda Soomaaliya

Muqdisho ( Raxanreeb)

Mareykanka waxaa laga yaaba inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya , sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daaciish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay Botswana.

 Wuxuu taliyaha intaas ku daray ; “Waxaan sii wadayna daawashada tan , annaga oo qiimeynaya waxa Daaciishta Soomaaliya ilaa hadda sameyneyso.”

Hadalkan, wuxuu sheegay lix maalin kaddib markii sarkaalkan oo aagga la ilaaliyo ee Xalane oo ku yaalla Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga, markaas lama soo bandhigay warbixin faahfaahin ka bixinaysa kulanka.

Mareykanka oo ay Soomaaliya ka joogaan ku dhowaad 500 oo askari ayaa dhowaan sheegay inay aaminsanyihiin madaxa Daaciish ee Soomaaliya inuu noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda , taas oo ka dhigaysa goobta ugu muhiimsan ee kooxdan inay noqon karto Soomaaliya , laakin ma jiraan dagaalyahanno badan oo kooxdan ka jooga gudaha Soomaaliya , waxayna ku sugan yihiin dhul yar oo buuralay ah oo ku dhow magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.