Markab ay haysteen burcadbadeed Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay.

Markab ay haysteen burcadbadeed Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay.

Mumbai (Raxanreeb )- Markab siday 9 burcad badeed Soomaali ah oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Mumbai ee dalka India.

India ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay xukunno ku riddo burcad badeedda ay gacanta ku hayso.

Dalka  India waxaa lagu hayaa burcadbadeed badan oo Soomaaliyeed kuwas oo laga qabtay xeebaha Soomaaliya iyaga oo ku  jira falal la xiriira qafaalka  maraakiibta isticmaasha badwaynta Hidia.

Dhanka kale :

Markabka MV Abdullah ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya islamarkaana u afduuban burcad-badeedda ayaa lagu wadaa in lacag madax-furasho laga bixiyo, si looga sii daayo kooxdaasi.

Milkiilayaasha markabka MV Abdullah ee tan iyo bilowgii bishii Maarso gacanta ugu jira burcad-badeedda ayaa ku wargeliyay in heshiiska ay ku sii deynayaan markabka la dhammeystiri doono ka hor munaasabadda ciidul fidri

Leave a Reply

Your email address will not be published.