Marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan – Shuuke“Nin culus baa baxay oo baneeyay boos aan la buuxin Karin”.

Marka koowaad waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan qoyska Reer Cabdulle Cismaan “Codweyn”, iyo marwo Xaawo Aadan Camey. Sidoo kale waxaan Allah uga tuugayaa inuu naxariistiisa waasica ah siiyo marxuum Shuuke, janaadkiisa naciimka ahna geeyo. Aamiin, Aamiin.

Walow jiil ahaan uu marxuum Shuuke wax weyn iga horeeyay, hadana waxaa jira taariikh, aqoon iyo degaan oo naga dhaxaysay, taasoo sal-dhig u ahayd xiriirka qoyska aan ka dhashay iyo qoyska marxuum shuuke. Shuuke aabihii Cabdulle Cismaan “Codweyn” iyo aabahay Maxamuud Aw-Cismaan waxay ka mid ahaayeen sadexdii qof ee bud-dhigay ama lahaa aasaaska Magaalada Garoowe, waxay ahaayeen saaxiibo dhow iyo weliba deris. Xiriirkaasi maahayn mid labada waalid oo qura ka dhexeeyay, balse Shuuke wuxuu la jiil ahaa saaxiibna la ahaa curadkii aabahay waa Maxamed Maxamuud Aw-Cismaan, Dr. Ummad.

Marxuumku markuu ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya wuxuu degenaa aqal ku dheganaa Iskuul Banaadir, anaguna waxaan deganayn Casa-popolare iyo agagaarka Baar Kaah, waxaan xusuustaa isagoo wasiirku kasoo lugeeya aqalkiisa salaana ugu yimaada aabahay oo ay mudo dheer wada sheekaysan jireen. Runtii nin yar baan ahaa berigaas lamana aanan socon xiiirka qotada dheer ee ka dhexeeyay Wasiirka Shuuke iyo aabahay, balse, waxaa wax weyn ila ahayd qadarinta dheeriga ah ee uu wasiirku siinayay aabahay.

Xiriirka aabahay iyo Wasiir Shuuke ka dhexeeya kuma ekayn oo qudha mid salaam iyo sheeko, balse waxaan beri danbe ka war-helay inuu jiray xiriir kale oo ku aadanaa barbaarinta ubadka iyo tayada iskuulaadka waxbarasho.

Waxaan horay u ogaa in aabahay ahaa nin jecel in ubadku wax bartaan, lalana dagaalamo jahliga aqoon daro, isagoo ubadka magaalada Garoowe iyo kuwuu dhalay isku si ula jeclaan jiray inay helaan waxbarasho tayo leh, ahaana waalidka keliya ee si joogtaa ula socon jiray aqoonta la barayo ubadka iyo xaaladaha ay ku sugnaayeen iskuulaadka magaaladu. Sida ay ii sheegeen dad badan oo goobjoog ka ahaa goob uu Wasiir Shuuke kula hadlayay indheergaradka reer Nugaaleed ayuu u sheegay in Dugsiga Sare ee Garoowe “Ganbool”, codsiga lagu dhisay uu ka yimid Maxamuud Aw-Cismaan, berigaasi oo aysan Garoowe lahayn iskuul sare, Wasiirkuna sheegay inuu ajiibay codsigaas, fuliyayna in Garoowe iyo Gobolkii Nugaaleedba yeeshaan dugsi sare oo “Boarding” ah oo ardaydu uga kala imaan jirtay, Eyl, Taleex iyo Laascaanood.

Marxuum Shuuke, burburkii dalka ka dib wuxuu nala joogay Canada, Nasiib wanaag Wasiir Shuuke iyo Marwadiisa Xaawo Aadan Camey, waxay go’aansadeen inay dalkii hooyo dib ugu noqdaan.

Lamaanahaani waxay bulshada Soomaaliyeed ee degan Puntland tareen wax Ilaahayn un uu ka abaal-marin karo.
|
Marwo Xaawo Aadan Camey waxay hirgelisay Xarunta Waxbarashada ee Nabada iyo Horumarka Gaalkacayo – Galkayo Education Center for Peace and Development – GECPD. Xaruntaas oo ay kumanaan gabdho ah oo u badan dadka soo barakacay ama danyarta ahi ka heleen waxbarasho, daryeel iyo mustaqbal ifaya.

Halka uu Marxuum Shuukena noqday Madaxa Hay’adda Horumarinta iyo Cilmi Baarista Puntland – Puntland Development and Research Centre – PDRC. Intii uu Marxuum Shuukhe Hay’adaas madaxda ka ahaa waxuu ka shaqeeyay nabadayta beelaha, u qareemida bulshada rayidka ah, waxay PDRC laf-dhabar u ahaayeen wacyigelinta doorashooyinka qof iyo cod iyo nidaamka axsaabta badan ee ka hirgalay Puntland.

Marxuum Shuuke kuma ekaan keliya inuu Hay’adda PDRC awoodiisa iyo aqoontiisa geliyo, balse wuxuu asbaabteedii lahaa dhismaha Daladaha Puntland Diaspora Forum – PDF ee Qurbajoogta, iyo PUNSAA oo ah Dalada Urrurada Rayidka ah ee Puntland.

Marxuum Shuuke wuxuu ahaa Barbaariye, Bare, Badbaadiye, Hal-Abuure, Hogaamiye iyo Nabadeeye wax badan Ummada Soomaaliyeed u qabtay.

Sifooyinka marxuum Shuuke gaarka uu u lahaa waxaa ka mid ahayd; isagoo ahaa nin nadiib ka ah musuq iyo maal uruursi, isagoo ahaa shaqsi danta caamka ah si hufan oo aan hagrasho lahayn had iyo goor ugu heelanaa. Sifaha sida gaarkaa iisoo jiitay oo ay naadir tahay qof leh waxay ahayd inuu ahaa nin baari u ahaa hooyadii, isagoo heli kara inuu aqalo waaweyna ku raaxaysto ayuu aqalkii asal uu ka soo jeeday ugu wehel yeeli jiray hooyadii Ilaahay labadaba ha u naxariistee hana ka dhigo kuwa ku kulma hoyga runtaa ee aakhiro iyo Janaadii Fordowsaad. Aamin, Aamiin.


Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.