Maxaa ka cusub Ruushka saacadihii lasoo dhaafay xageese ku dambeeyeen kooxda Wagner?

Moscow (Raxanreeb) — Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay ciidamada milateriga oo uu sheegay inay “joojiyeen dagaal sokeeye”, isagoo la hadlayayna waxa uu ku baaqay in hal daqiiqo la aamuso duuliyayaashii lagu dilay iska horimaadyada intii uu socday fallaagada Wagner.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay socoto diyaarinta Wagner uu ku wareejinayo qalabkiisa milateri, taasoo ka dhigan in kooxda Wagner la kala diri karo.

Dhammaan saddexda wakaaladood ee ugu waaweyn Ruushka, oo soo xiganaya waaxda amniga ee FSB, ayaa sheegay in la xiray kiiskii dambiyada ee ka dhanka ahaa hoggaamiyaha Wagner.

Diyaarad xiriir la leh hogaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku degtay Belarus, halkaas oo lagu soo waramayo in laga masaafuriyay kadib markii uu dhacay kacdoon.

Hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay inay “xanuun badan tahay in la daawado” kooxda Wagner oo Ruushka ku gadoodsan, wuxuuna amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay “diyaar u noqdaan dagaalka” inta lagu guda jiro fallaagada.

Dhanka kale, weerarka iska horimaadka ee Ukraine ayaa sii socda iyadoo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu sheegay in ciidamadiisa “ay ku hormareen jihooyin walba”.