Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda DanQaran dhinacyada siyaasadda.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u hurayaan difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo galay dagaal culus, oo ay uga hortageen isku dayo Al-shabaab ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.
Sidoo kale, inta uu socday kulanka golaha wasiirrada waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

Leave a Reply