Maxamuud Caydiid Dirir “Xasan Sheekh waa Magafe ,waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland”

Maxamuud Caydiid Dirir “Xasan Sheekh waa Magafe ,waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland”

Garoowe (Raxanreeb online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmamay in uu yahay Magafe oo kale oo aan waxbo ka fakaneenin sida ay hadalka udhigeen maamulka Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay Xasan Sheekh in uu yahay Magafe, magacaas oo loo yaqaan ragga wax tahriibiya ee lacagta madax-furashada ah ka qaata dadka tahriibayaasha ah.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay Wasiir Caydiid in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isbaaro u dhigtay mashaariic badan oo dhinaca horumarinta ah oo Puntland laga fulin lahaa, waxa uuna xusay in uu u xannibay mashaariicdasi kaddib markii ay ka diideen in isagu maamulo.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa Magafe ,waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland, waxa uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof Magafe ah oo isbaaro dhigtay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu jebiyay dastuurkii iyo sharcigii lagu doortay ee dalka islamarkaana baabi’in ku wado nidaamka dowladnimada Soomaaliya taasina tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Ugudambeyn, eedeyntan culus oo Puntland kasoo yeertay ayaa kusoo beegmeysa xilli uu go’ay xiriirkii ka dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, kaddib markii ballamo badan uu madaxweyne Xasan Sheekh xilligii doorashada uga ballanqaaday Madaxweyne Deni uga baxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.