Maxay dhibsadeen beeralayda miiraa ee Kenya ?

Maxay dhibsadeen beeralayda miiraa ee Kenya ?

Nairobi (Raxanreeb )-Beeralaydka Khaadka ee Miiraa ayaa sheegaya in ay wajahayaan dhibaatooyin badan oo kaga imaanayo koox gaar ah oo doonaya inay caraqaladeeyana shaqadooda .

Iyaga oo warbaahinta la hadlayay beeralayda khaadka ayaa  shaaca ka qaaday in ay tahay talaabadaas mid lagu doonayo in lagu wiiqo ganacsigooda , iyaga oo baaq u diray dowladda Kenya.

Waxa ay sheegeen in shaqsiyaad gaar ah ay doonayaan inay ka  macaashaan ganacsigooda sidaa darteeda ay ku fureen , buuq ku saabsan hanaanka ganacsigooda uu hadda u socdo.

Intaas waxa ay warkooda ku dareen in  marar badan ay soo noq- noqotay dhibataadaas  oo xitaa sababtay in shaqada ay  joojiyaan.

Beeralayda ayaa mudaaharaad ka dhigay Maili Tatu ee Igembe iyagoo ku eedeeyay dawladda iyo hay’adaha qaranka inay dayaceen waaxda Miraa.

Waxa ay ku dhawaaqeen qaaddacyo todoba maalmood ah oo ay ku qaadacayaan goynta Miiraga iyaga oo ka soo horjeeda jiritaanka lagu eedeeyay in uu jiro kaartel go’aaminaya qiimaha Miraa oo u huray inta tan ee dalagga la dhoofinayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.