Maxay sameynayaan Taliban oo aanay samayn Reer Galbeedka?

Maxay sameynayaan Taliban oo aanay samayn Reer Galbeedka?

Kapul (Raxanreeb) — Cabdul ayaa waxa uu haystaa qori AK-47 ah oo cusub, wuxuuna u suran yahay garabka bidix, halka gacanta midigna uu ku haysto ul weyn, taasoo uu isku dheellitirayo, isaga oo si adag ugu garaacaya cirifyada geedaha maandooriya Poppy-ga.

Cawska geedka Poppy-ga, oo ay dabaysha ka keeneyso caano, ayna la socoto urta Opium-ka oo aan bislaan, ayaa hawada u soo baxaya.

Daqiiqado gudahood Abdul iyo toban nin oo kale oo la shaqaynayey, ayaa waxay xididdada u siibeen dalaggii Poppy-ga oo dhan ee beerta yar ku beernaa.

Dabadeed nimankii hubaysnaa oo dhamaantood ku labisan Shalwar Qamiis oo u badan rag gar dheer, halka qaarkood indhaha ay u xiran yihiin, ayaa mid mid uguu raraya gadaasha danbe ee gaari maandooriyahan, oo haddana u sii gudbaya beertani beerta ku xigta.

Nimankan ayaa ka tirsan qaybta la dagaalanka maandooriyaha ee Talibanka, ee ku sugan bariga dalka Afgaanistaan ​​ee gobolka Nangarhar.

Waxayna ku dadaalayaan raggani dagaalka Maandooriyaha, iyagoo lasiiyey fursad naadir ah oo ay ugu biiraan roondooyinka, si ay u cirib tiraan beerashada Poppy-ga.

Wax ka yar laba sano, raggani, ayaa waxay ahaayeen dagaalyahanno fallaago ah, oo qayb ka ahaa guluf lagu doonayo in dalka Afghanistan lagu qabsado. Haatan way guulaysteen oo waxay la joogaan madaxda, waxayna fulinayaan awaamiirta hoggaamiyahooda.